Al-Shabaab oo "laga saarey" degaan ay haysatay 15-sano

Image
Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey qabsashadda tuulada Wabxo ee gobolka Galgaduud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Soomaaliya ayaa maleyshiyaadka Al-Shabaab ka saare degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, sidda Arbacada maanta ah uu shaaciyey afhayeenka Wasaaradda Difaaca.

Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay saxaafadda ayaa shaaca ka dhigay in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay maamulayeen tuuladdan in ka badan 15-kii sano ugu dambeysay.

Caanood oo xaqiijiyey in uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka "lagu xoreeyay degaankan" ayaan soo bandhigin waxyeeladda dhabta ah ee dhanka ciidamadda dowladda soo gaarey.

"Sidoo kale, waxaan howlgalkan kula wareegay gacan ku haynta deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof," ayuu ka dhawaajiyey Caanood oo xilkan loo magacaabay bilo kahor.

Todobaadkan gudahiisa, Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab oo tiradoodu gaareyso 21 ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan, sidda ay Axada maanta ah shaaca ka dhigtey Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in howlgalkaas ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya ee loo yaqaano NISA.

Dhanka kale, Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku ekeeyay fariisimo milatariga Soomaaliya iyo dadka degaanka ku leeyihiin degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxyadda ay xigeen is-rasaaseyn toos ah oo socotay ku dhowaad laba saacadood. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo wariyey in uu soo gaarey dhinacyada.

Degaanka Qaayib oo 30KM dhanka koonfur degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa kamid ah goobihii ugu dambeeyay ee lagu xoreeyay howlgaladda ka soconaya qaybo kamid ah Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay aaggan ku lahayd "maxkamad beenaad ay dadka uga qaadi jirtay lacagta baadda ah". Taliska Milatariga wuxuu sheegay in howlgalka lagu qabtey Qaa'ib ay ku dileen "xubno Khawaariij ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM