Al-Shabaab oo lagu arkay degaan cusub oo ka tirsan Sanaag

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaal la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu arkay degaanka Gacan Maroodi oo ilaa 40 KM u jira degaanka Yubbe oo dhaca gobolka Sanaag.

Laba qof oo dadka degaanka ah ayaa u sheegay VOA-da in "maleeshiyaadkaasi" ay ka yimaadeen dhinaca buuraha Golis.

Saraakiil dhanka amniga ah ayaa tilmaamay in Shabaab ay la hadleen dadka degaanka markii ay halkaas tageen.

Xubnaha gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa hadda ka hor degaankaas ka iibsaday cuntooyin markii ay tageen.

Ma cadda in Al-Shabaab ay socod ku mareen degaanka iyo inay ka dhiganayaan saldhig rasmi ah.

Ilaa haatan warsidaha Garowe Online suurtogelin in aan khadka telefoonka ku helno mas’uuliyiinta gobolka Sanaag.

Sanaag ayaa wuxuu kamid yahay saddex gobol oo ay isku haystaan Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo kala ah; Sool iyo Ceyn ayna labada maamul u kala joogaan mas'uuliyiin ugu magacaaban halkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM