Al-Shabaab oo Madaafiic Ku Garaacdey Xaafado Ka Tirsan Koonfurta Soomaaliya

Image

BALCAD, Soomaaliya - Inta la hubiyay Saddex qof oo Rayid ah ayaa ku dhintay, kadib markii weerar loo adeegsaday Hoobiyeyaal lagu garaacay xaafadda Xaawo Taako ee degmadda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka degaanka oo siyaabo kala duwan uga hadlay falkaan ayaa shaaca ka qaaday in tiradda Madaafiicda ay gaareysa Afar xabo, islamarkaana Saddex kamid ah ku dhaceen Nawaaxiga Saldhiga ciidanka AMISOM.

"Madaafiicda waa Afar. Saddex kamid ah waxay ku dhaceen meel ku dhow Saldhhiga AMISOM. Halka, kan kale uu kusoo dhacay Guri ay ku degan yihiin Dad shacab oo dhimasho dhalisay," ayay sheegeen dadka degaanka.

Al-Shabaab oo dhinacooda war qoraal ah kasoo saartay weerarkaan waxay ku sheegteen in madaafiicda ay gudaha u galeen xerada AMISOM, islamarkaana uu jiro khasaaro kala duwan.

Marka laga soo tago warka Shabaab, ma jiro illaa iyo haatan hadal kasoo baxay Taliska ciidamada AMISOM ee gobolka, kan Balcad iyo midka guud ahaan ee dalka Soomaaliya ee laga maamulo Xalane.

Magaaladda Balcad ayaa degaanada Galbeedka uga beegan waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab, xili la og-yahay in tuuladda Basra oo qiyaastii dhowr Kilometer u jirta Balcad ay ku taalo Maxkamad Al-Shabaab xukuno ka fuliso taasoo dadka degaanka ah ay aadaan.

Bishii Maarso ee sanadkaan ayay ahayd markii xaafado kamid ah Balcad ay la wareegeen saacado xoogaga Al-Shabaab, inkasta oo isaga baxeen kol dambe, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Maalmo kahor, sidaas si lamid ah, Al-Shabaab ayaa si nabdoon u qabsaday degaanka Qalimow oo u dhow Balcad, halkaasoo duqaymo xoogan la sheegay in lagula beegsaday, xubnana looga dilay.

Degmada Balcad oo Waqooyi-Bari uga beegan Magaalada caasimada ah ee Muqdisho qiyaastii 36 KM ayaa waxaa marti-gelisaa mararka qaar weeraro kooxda Al-Shabaab kusoo qaadaan, xili ay ku sugan yihiin ciidamo isugu jira AMISOM iyo Milatariga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Soo Dhawaysay Taageerada Masar iyo Ku Soo Biirista Hawlgalka Midowga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay aad u qiimeyneyso taageerada joogtada ah ee Masar.

  • Soomaliya

    22-09-2025

  • 11:20AM

Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 12:48PM