Al-Shabaab oo Madaafiic Ku Garaacdey Xaafado Ka Tirsan Koonfurta Soomaaliya

Image

BALCAD, Soomaaliya - Inta la hubiyay Saddex qof oo Rayid ah ayaa ku dhintay, kadib markii weerar loo adeegsaday Hoobiyeyaal lagu garaacay xaafadda Xaawo Taako ee degmadda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka degaanka oo siyaabo kala duwan uga hadlay falkaan ayaa shaaca ka qaaday in tiradda Madaafiicda ay gaareysa Afar xabo, islamarkaana Saddex kamid ah ku dhaceen Nawaaxiga Saldhiga ciidanka AMISOM.

"Madaafiicda waa Afar. Saddex kamid ah waxay ku dhaceen meel ku dhow Saldhhiga AMISOM. Halka, kan kale uu kusoo dhacay Guri ay ku degan yihiin Dad shacab oo dhimasho dhalisay," ayay sheegeen dadka degaanka.

Al-Shabaab oo dhinacooda war qoraal ah kasoo saartay weerarkaan waxay ku sheegteen in madaafiicda ay gudaha u galeen xerada AMISOM, islamarkaana uu jiro khasaaro kala duwan.

Marka laga soo tago warka Shabaab, ma jiro illaa iyo haatan hadal kasoo baxay Taliska ciidamada AMISOM ee gobolka, kan Balcad iyo midka guud ahaan ee dalka Soomaaliya ee laga maamulo Xalane.

Magaaladda Balcad ayaa degaanada Galbeedka uga beegan waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab, xili la og-yahay in tuuladda Basra oo qiyaastii dhowr Kilometer u jirta Balcad ay ku taalo Maxkamad Al-Shabaab xukuno ka fuliso taasoo dadka degaanka ah ay aadaan.

Bishii Maarso ee sanadkaan ayay ahayd markii xaafado kamid ah Balcad ay la wareegeen saacado xoogaga Al-Shabaab, inkasta oo isaga baxeen kol dambe, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Maalmo kahor, sidaas si lamid ah, Al-Shabaab ayaa si nabdoon u qabsaday degaanka Qalimow oo u dhow Balcad, halkaasoo duqaymo xoogan la sheegay in lagula beegsaday, xubnana looga dilay.

Degmada Balcad oo Waqooyi-Bari uga beegan Magaalada caasimada ah ee Muqdisho qiyaastii 36 KM ayaa waxaa marti-gelisaa mararka qaar weeraro kooxda Al-Shabaab kusoo qaadaan, xili ay ku sugan yihiin ciidamo isugu jira AMISOM iyo Milatariga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM