Al-Shabaab oo Nabadoon caan ah ku gowracday Beled-Xaawo

Image

BELED-XAAWO- Al-Shabaab ayaa degmada Belad-Xaawo ee gobolka Gedo ku gawrcday Nabadoon caan ah, oo magaciisa lagu sheegay Dhaqane Qaasim Amiin, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta amniga.

Dhaqane War-cadde oo dhowaan kasoo laabtay magaalada Doolow ee isla gobolka ayaa lagala soo baxay hoygiisa xalay oo Arbaco ahayd, taasi oo ka dambeysay markii ay Shabaab saacado la wareegtay magaalada.

Ma cadda sababta ka dambeysa inay Al-Shabaab qoorta ka jarto Oday dhaqameedkaan, balse wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu ahaa shaqsi kasoo horjeeda fekerka kooxdan cilaaqaadka la leh Al-Qaacida.

Dhinaca kale, warar dheeri ah ayaa kasoo baxay dagaal culus oo ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-Shabaab ku dhexmaray Belad-xaawo oo ku taala Xadka Soomaaliya iyo Kenya ee gobolka Gedo.

Saraakiisha ciidanka xooga dalka ayaa sheegay inay dileen xubno ka tirsan Shabaab, iyagoo qiray in dhankooda uu jiro khasaaro, wallow ay ka gaabsadeen inay fahfaahin dheeri ah ay ka bixiyaan.

Ma jiro war ay Al-Shabaab kasoo saartay dhacdooyinkaan saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Belad-xaawo oo kamid ah magaalooyinka hoostaga maamul goboleedka Jubbaland.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya xili dhowaan maamulka degmada uu amar kusoo rogay Haweenka degan magaalada ee u dhaxa ragga ka tirsan Al-Shabaab oo ay fareen inay isaga baxaan magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM