Al-Shabaab oo qaraxyo ku burburisay garoon diyaaradeed

Image
Image
Image
Waa markii labaad oo maleyshiyadda hubeysan ay si gaar ah u beegsatay madaarkan.

BELEDWAYNE, Hiiraan - Garoonka diyaaradaha Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa burbur xoogan uu kasoo gaarey weerar loo adeegsadey qaraxyo oo la sheegay in ay ka dambeeyeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Sawirro laga soo qaadey madaarka oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshadda gaar ahaan Facebook-ga ayaa waxay muujinayaan in qeybta hubinta ay ka muuqato waxyeelada ugu badan.

Qof kamid ah dadka degaanka oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa rumeysan in miinooyinka burburka xoogan sababay ay maleyshiyadda xalay ku rakibtay madaarka diyaaradaha.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Facebook-ga, wuxuu sheegay in uu cambaareynayo dhacdadan.

"Waxaan aad u cambaareynayaa falka argagixisada Alshabaab ay maanta ku burburiyeen garoonkii diyaaradaha degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan," ayuu yiri Goodax Barre.

Wuxuu ku daray: "Waxay caadeysteen in ay cunnaqabateeyaan dadka masaakiinta ee aan waxba galabsan, dhibaateeyaan, isla markaana kala dagaalamaan horumarkasta oo ay bulshada ku hamiso".

Bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay 2020-ka ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab qaraxyo ku burburisay garoonka diyaaradaha Buula-burte. Inta la og-yahay, dhacdada maanta waxay noqonaysaa markii labaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM