Al-Shabaab oo shaqaale samafal ku qafaalatay Gedo [Goobta lagu hayo]

Image

GARBAHAAREY, Jubbaland - Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay in degaanka Gura oo 30-KM u jira degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ay shalay ku afduubatay shaqaale samafal oo ka tirsanaa hay’adda maxaliga ah ee Gowda.

Wadarta guud ee gacanta Al-Shabaab ku jirta ayaa la sheegay in ay tahay 7 shaqaale iyo labo gaari oo ay wateen, iyada oo ay si dirqi ah kusoo baxsadeen howl-wadeeno kale oo gaaraya 5.

Iimaan Cadow Kaashe, gudoomiyaha Garbahaarey oo hoostaga maamulka Jubbaland ayaa sheegay in shaqaalaha soo baxsaday ay gelinkii dambe ee shalay ay soo gaareen xarunta gobolka Gedo.

"Xogta aan hayno waxa ay sheegaysaa in shaqaalahaasi la geeyay degaanka Ceel Cadde," ayuu Gudoomiyuhu hadalkiisa daba dhigay, isaga oo aanan soo hadal-qaadin talaabada ay qaadi doonan.

Ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku saabsan eedaynta afduub ee loo jeediyay.

Hay’adda Gowda ayaa ka shaqeysa u gaarida dadka danyarta ah si gaar ah arrimaha caruurta ayey diirada saaraan, waxaana la sheegay in Abaartii ugu dambeysay ee dalka ku dhufatay ay wax badan ka tareen.

Inta badan magaalooyinka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa dil iyo afduub loogu geystay shaqaalaha hay'addaha bini'aadanimada iyo saxafiyiinta oo labaduba u adeega bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM