Al-Shabaab oo sheegatay weerarka lagu dilay wariye Afrika

Image
Maleyshiyadda ayaa intaas ku dartey in qaraxan ay ugu aargudey dilkii Xasan Xanafi ee 2016-kii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa durba waxay sheegatay qaraxa la sheegay in uu ismiidaaminta ahaa ee uu ku dhintey saxafi Cabdicasiis Afrika, agaasimihii Radio Muqdisho, oo ah idaacadda dowlada.

Kooxda ayaa sheegtay in ay ugu aarguday toogashadda ay dowladda Soomaaliya 2016-kii ay ku fulisay Xasan Xanafi, oo ah saxafi kalkii dambe kamid noqdey maleyshiyadda gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa qoraal uu soos aarey wuxuu ku sheegay in nafti haligaha uu beegsadey baabuurka xilli uu taagnaa kaalin shidaal oo ku taala nawaaxiga Daljirka Daahsoon.

"Qaraxa sida ay Cadeeyeen Kooxaha Farsamayaqaanada Boliiska  gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha oo ka yimid dhanka Boondhere  wadada Busley ayaa waxaa halmar Daaqada Gaariga Ku Booday oo Qabsadey Qof Naftii Halige Ah, Sida ay qoraayaaan Dadka ma aha qarax Gaariga lagu xirey,Waxaana yaala qeyb ka mid ah Jirka Naftii haligaha," ayuu yiri.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi u diray qoysaska iyo asxaabta marxuum Afrika wuxuuna si tiiraanyo leh ugu rajeeyay bedel wanaagsan.

"Cabdicasiis waxa uu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah. Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo. Waxaan dhaawacyada Allaah uga baryayaa in uu deg deg u bosiiyo," ayuu yiri.

Marxuum Afrika ayaa daadhinayey barnaamij warbaahinta dowladda ku wareysatay Xasan Xanafi kahor inta aan dil toogasho lagu fulin. Afrika wuxuu caan ku ahaa baahinta wararka liddiga ku ah kooxda hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM