Al-Shabaab oo baahisay muuqaalka hogaamiye duqeyn looga dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wallow talaabooyinka noocaan ay ka damacsan tahay in ay ku buunbuuniso mashruuceeda xagjirnimada, Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaalka hogaamiye sare oo duqeyn dhanka cirka looga dilay.

Sarkaalka kasoo muuqay muuqaalkan muranka dhaliyey waa Cabdullaahi Xaaji Daa'uud oo loo garan og-yahay Yuusuf Xaaji. Sanadkii 2016-kii ayuu Mareykanka ku dilay duqeyn cirka uu ka geystay koonfurta Soomaaliya.

Kahor geeridiisa, Xaaji ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xoogagan gacansaarka la leh Al-Qaacida. Jagooyinka uu ku metalay maleeyshiyaadkaas waxaa kamid ah fulinta dilalka toogashada ee kooxdu geysaneyso.

Xilli khaarijintiisa ay soo afjartey u gaarsi lagu hayey muddo ka badan shan sano, Mareykanka oo u aqoonaday in uu yahay "dambiile khatar badan" ayaa horey madaxiisa u dul-dhigay aduun lacageed dhan $5 milyan.

Iyaddoo ay naadir tahay in Al-Shabaab ay muuqaalo ka sameyso xubnaha laga dilo, haddana sheekadda ay ka diyaariyeen Xaaji waxay qiil ugu yeeshay dilkiisa, iyadoo aan soo hadal-qaadin rayidka uu dhimashooda maleegay.

Badanaa xubnaha ay argagixisada ka diyaariso muuqaalada kadib markii ay dileen ciidamadda ammaanka waa kuwa xilalka sarre ka hayey.

Mid kamid ah muuqaaladii u dambeeyay ee kooxda kasoo baxay waxaa kasoo muuqday hogaamiyaheeda haatan Axmed Cumar Diiriye. Soo muuqashada Diiriye waxay timid kadib weerarkii dhicisoobay ee xerada Balidoogle.

Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa iska caabiyey dhacdadaas loo adeegsaday is-miidaamin lana soo wariyey bishii September ee 2019-kii.

Tan iyo xilligaas, Mareykanka oo joogitaan ku lahaa Balidoogle wuxuu xoojiyey duqeymaha cirka ee Al-Shabaab, isagoo beegsaday saraakiil uu kamid tahay Bashiir Qoorgaab oo lala xiriiriyey weerarkii Manda Bay.

Beegsiga saldhigaas ku yaala Kenya waxaa lagu dilay saddex Ameerikaan ah. Xeradaas waa mid kamid ah goobaha laga soo qaado duqeymaha dhanka cirka ee ciidamadda Mareykanka ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Bishii April, Yuusuf Jiis oo ahaa sarkaal sarre oo dhanka maaliyadda u qaabilsan Al-Shabaab ayaa lagu naf-gooyay duqeyn dhanka cirka ah. Falkaas wuxuu yimid xilli kooxda dhexdeeda uu ka jiray is-qabqabsi dhanka dhaqaalaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM