Al-Shabaab oo toogatay haweenay 'la shaqeysay' ciidanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala degaanka Shaw ee gobolka Hiiraan waxay ku toogatay haweenay magaceeda lagu sheegay Anfac Xuseen Muxumed.

Sida ay warisay warbaahinta ku hadasha afka kooxdan gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida, Anfac ayaa lagu eedeeyay in ay ka shaqeynaysay ciidamada dowlad goboleedka HirShablle.

Tobanaan ruux oo shacab ah iyo horjoogeyaal ka tirsan dagaalameyaasha hubeysan balse aan la magacaabin ayaa, sida ku cad warbixinta, waxay u soo daawasho tegay toogashada goobta.

Ma cadda haddii Anfac ay heshay nidaam maxkamadeyn cadaalad ah. Sidoo kale, ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta in ay ka tirsaneyd ciidamada HirShabelle iyo qareeno difaaca doodeeda.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamadda HirShabelle ayaan wali ka jawaabin warkan. Isku-dayo warsidaha Garowe Online uu doonayey in uu wax kaga waydiiyo qadiyaddan ayaan marnaba guuleysan.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo gobolka Hiiraan ay ka jirto xiisad salka ku haysa qaabka loo maamulayo kuraasta doorashooyinka Aqalka Hoose ee federaalka ku metelaya maamulkaas.

Dagaalo salka ku haya is-qabqabsigaas ayaa ka dhacay meelo ay kamid tahay magaala madaxda gobolka ee Beledwayne. Khasaaro naf iyo maalba waa lasoo wariyey hase ahaatee lama ogga tiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM