Al-Shabaab oo weerar ku qaadey saldhig ciidan; khasaaraha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa Axadda maanta ah weerar qaraxyo ku bilowday ku ekeeyay saldhig ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Xerada oo goorta uu gulufka dhacayey ay ciidamada ku sugan aysan dagaal diyaar u ahayn ayaa waxay ku taalaa degaanka Ceel Saliidle, oo hoostaga Awdheegle.

Duulaanka oo sababay iska hor-imaad saacado socday ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo labada dhanba soo gaarey.

Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa illo wareedyo kasoo xigatay in askarta geeriyootay ay tiradoodu tahay in ka badan 20.

Warbaahinta maxaliga ayaa dhimashadda xoogaga dowladda ku tilmaamtay in ay gaareyso ku dhowaad 40 askari. Hase ahaatee, midkoodna ma aysan tirokoobin waxyeeladda dhimasho ee soo gaaray argagixisada.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda oo tabisay in weerarka la iska caabiyey ayaa xustay in ay "jug culus gaartay cadowga".

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda oo tabisay in weerarka la iska caabiyey ayaa xustay in ay "jug culus gaartay cadowga".

Maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa dhankooda sheegtay in ay khaarijiyeen 26 askari ayna ku furteen saanad iyo gaadiid.

Hubka iyo gaadiidka ayaa lagu waramayaa in ay kooxdu geysay gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay isla maanta kusoo bandhigtay.

Gulufka maanta ayaa u muuqda "mid aargoosi ah" maadaama horaantii bishan September AlShabaab uu ka fashilmay weeraro saf-balaaran oo ay damacsaneyd in ay ku gasho saldhiga Awdheegle.

Ku dhowaad 60 dagaalameyaal ayay halkaasi ku weysay, iyadda oo maalin kahor taliska ciidamada Soomaaliya shaaciyey in ay howlgal ku dhaawacmeen Cali Dheere, afhayeenka ururkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM