Al-Shabaab oo weerar ku bilowdey qarax ku ekeysay saldhig ciidan

Image
Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa kordhiyey beegsiga saldhigyada ciidamadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowdey ku ekeeyay saldhiga ciidamadda Gorgor ee magaalada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Illo ammaan ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxyada ay xigeen maleyshiyaad u daatay xeradda kuwaasoo iska-caabin kala kulmay ciidamadda ku sugnaa gudaha saldhiga.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in dhinacyadda ay isku-adeegsadeen hub noocyadiisa kala duwan isla markaana uu jiro karo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacc

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay dishay askar iyo in ay gubtey gaadiid. Askartan uu Turkiga tababaray ayaa bilowgii bisha Ramadan tagay aaggan. Illaa haatan, tirokoob lagu sameyn waxyeeladda guud.

Ciidamadda Kumaandooska Gorgor ayaa lagu waramay in loo geeyay Runir-goor sababo sallka ku haya xoojin iyo ka hortagida weerarada ay maleegeyso kooxda Al-Shabaab.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa kordhiyey beegsiga saldhigyada ciidamadda Soomaaliya ay ku leeyihiin goboladda waddanka.

Janaa Cabdalle iyo Daaru-Nimca oo ka kala tirsan Jubada Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ugu dambeeyay halkaasoo la sheegay in ay waxyeelo geeri iyo dhaawac ay kasoo gaartey ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM