​Al Shabaab oo weerar ku dishay Taliyihii qaybta Booliiska Shabeellaha dhexe

Image

JOWHAR, Somalia- Bam-gacmeed lagu weeraray saldhigga booliiska degmada Jowhar, ayaa gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan xarunta gobolka Shebeellaha dhexe, waxaana weerarkaas ku dhintay sarkaal sare

Wararka ku saabsan falkaas ayaa sheegay in miino gacanta lagasoo tuuray lala eegtay taliska qaybta Booliiska gobolkaas, waxaana lagu dilay taliyihii xaruntaas Khaliif Cabdule (Carfaaye)

Saraakiisha oo la hadlay GO, ayaa xaqiijiyay geerida Taliyihii qaybta booliiska gobolka Shabeellaha dhexe iyagoo intaas ku daray inay jiraan dhawacyo soo gaaray ciidamo kale.

Weerarka oo dhacay fiidnimada caawa, ayaa kusoo aaday xilli ciidanku ku sugnaayeen xaruntooda.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay oo katirsan maamulka Hir-Shabeelle, balse waxaa durba goobta soo gaaray ciidamada amniga oo baaritaano dad lagusoo qabtay ka fuliyay nawaaxiga saldhigga.

Waddooyinka muhiimka ah ayaa ciidamo ka sameeyeen howlgallo ballaaran taasoo laga dareemay guud ahaan Jowhar.

Kooxda Al Shabaab ayaa idaacadda ku hadasha Afkeeda ee Andulus ku baahisay inay ka dambeeyeen dilka Taliyaha iyo saraakiil kale, waxayna sheegeen inuu katirsanaa ragga sida aadka ah u doon-doonayeen.

Carfaaye, ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu caansan Booliiska  Shabeellaha dhexe.

Degmada Jowhar oo xarun u ah maamulka Hir-Shabeelle ayaa muddooyinkii dambe amnigeedu wanaagsanaa, waxaana howlgallo kala duwan samaynayay ciidamada nabad-galyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM