Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig AMISOM

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab, ayaa saaka waabarigii weerar ku qaaday saldhig ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, ay ku leeyihiin deegaanka Taabta ee Gobolka Jubbada Hoose sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiisha amaanka Jubbaland iyo dadka deegaanka.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid ka dib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya ku dhawaad 20 sano oo xiriir ah.

Deegaanka dagaalku ka dhacay ee Taabta ayaa ku yaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Afmadow iyo Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana saldhig ku leh ciidanka midowga Afrika.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda amniga Jubbaland oo diiday in aan magaciisa xigano ayaa sheegay in uu dagaalka ku socday ku dhawaad 1 saac ciidanka AMISOM-na ay suurta gashay in ay caabiyaan weerarka uga yimid dhanka kooxda Al Shabaab.

“Khasaare ayaa kala gaaray laba dhinac balse wali tira koob rasmi ah lama samayn” sidaas waxaa GO u sheegay sarkaalka oo intaasi ku daray hada xaaladda deegaanka waa ay dagantahay waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidanka AMISOM iyo kuwa Jubbaland.

Saraalkaal kale oo Caafimaad ayaa dhankiisa sheegay in uusan jirin khasaaro soo gaaray dadka rayidka ah marka laga reebo in ay aad uga argagaxeen dhawaqa hubka culus ee dhinacyadu isku adeegsadeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee ay degaanka lagu dagaalamay uu ka helay GO ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhigyada ay ku sugan yihiin la weeraray.

Qiyaastii 22,000 askari oo ka socda wadamada Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Uganda, Ghana, Nigeria, Sierra Leone iyo Zambia ayaa sugan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al Shabaab manajirto hormaro lataaban karo oo ay dagaalka ka soo hooyeen 5 sano ee ugu dambaysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laftagareen oo UN-ka kala shiray xaalka Golaha Wadatashiga Qaranka

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore kadib is-faham la'aan dhanka ajendaha ah.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 11:08AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 09:14AM