Al-Shabaab oo weerartay Markab fadhiya Dekada Baraawe

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta oo Axad ah weerar madaafiic ah ku qaadey Markab weyn oo ku xirtay Dekada magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya.

Dadka degaanka iyo Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ugu yaraan saddex madfac ay Al-Shabaab ku riday Markabka, oo sahay raashiin ah iyo saanad militeri u waday Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan Baraawe.

Ma cadda wali in madaafiicda ay waxyeello gaarsiiyeen Markabka ku xiran Dekada Baraawe, iyadoo wararku ay intaasi ku darayaan in Ciidmada AMISOM ay ku jawaabeen madaafiic kale oo ku rideen dhankii laga soo weeraray.

Magaalada Baraawe ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, kuwaasoo dhibaatoo xooggan ka haysta marinka loo soo mariyo sahaydooda, maadaama wadada ka timaada Muqdisho ay go'doomisay Al-Shabaab.

AMISOM iyo Saraakiisha dowladda wali kama aysan hadlin weerarka madaafiicda ee lagu weeraray Markabka taagan dekada Baraawe, oo hadda ah mid aan si rasmii ah u shaqeynin, oo howlgab ah.

Wafdi ka socda Qadar ayaa dhawaan booqday Dekada Baraawe, iyagoo qiimeyn kusoo sameeyay suurt-galnimada inay maal-gashi ku sameyn karaan, waxaana caqabada ugu weyn inay shaqeyso dekada ay tahay dhanka amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM