Al-Shabaab oo weerartay Saldhig AMISOM iyo Marka oo la duqeeyay

Image

MARKA, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus xalay saqdii dhexe ku qaadey saldhig military oo ciidamada AMISOM ku leeyihiin degaan lagu magacaabo Buufow, oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaaladda Marka, xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa sida dadka degaanka u sheegeen Garowe Online dhaliyay dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmaray labada dhinac, oo isku adeegsadey hubka fudud iyo kan culus, oo dhawaqiisa laga maqlayay meelo ka baxsan goobta dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay dhowr hoobiye ku tuureen magaaladda Marka, kadib markii uu dhamaadey dagaalka, waxaana ku dhaawacmey duqeynta ugu yaraan 5 qof oo shacab ah.

Magaaladda Marka oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo AMISOM, ayaa Al-Shabaab marar badan weeraro kusoo qaadey, maadaama Kooxda ay ku sugan yahay meel aan sidaasi uga fogeyn, oo ah dhulka xeebta ku teedsan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Al-Shabaab ka saarey Marka bartamihii sanadkii 2012, kadib howlgal ballaaran oo Kooxdan looga saareyay dhowr degmo oo kamida gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa go'doomisay degmooyinkii laga saarey ee Hiiraan, Bakool, Baay iyo Shabeellaha Hoose, iyadoo jartay wadooyinkii isku xirayay, taasoo sababtay dhibaato dhanka nolosha ah inay soo wajahdo dadka shacabka ah.

AMISOM oo Soomaaliya joogta tan iyo 2007, ayaa ku guuleysan wayday inay Al-Shabaab ka saarto goobaha ay joogto, iyadoo khatarta kooxda ay ku hayso amniga dalka iyo wadamada deriska ay soo xoogeysanayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM