Al-Shabaab oo weerartay Saldhig AMISOM iyo Marka oo la duqeeyay

Image

MARKA, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus xalay saqdii dhexe ku qaadey saldhig military oo ciidamada AMISOM ku leeyihiin degaan lagu magacaabo Buufow, oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaaladda Marka, xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa sida dadka degaanka u sheegeen Garowe Online dhaliyay dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmaray labada dhinac, oo isku adeegsadey hubka fudud iyo kan culus, oo dhawaqiisa laga maqlayay meelo ka baxsan goobta dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay dhowr hoobiye ku tuureen magaaladda Marka, kadib markii uu dhamaadey dagaalka, waxaana ku dhaawacmey duqeynta ugu yaraan 5 qof oo shacab ah.

Magaaladda Marka oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo AMISOM, ayaa Al-Shabaab marar badan weeraro kusoo qaadey, maadaama Kooxda ay ku sugan yahay meel aan sidaasi uga fogeyn, oo ah dhulka xeebta ku teedsan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Al-Shabaab ka saarey Marka bartamihii sanadkii 2012, kadib howlgal ballaaran oo Kooxdan looga saareyay dhowr degmo oo kamida gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa go'doomisay degmooyinkii laga saarey ee Hiiraan, Bakool, Baay iyo Shabeellaha Hoose, iyadoo jartay wadooyinkii isku xirayay, taasoo sababtay dhibaato dhanka nolosha ah inay soo wajahdo dadka shacabka ah.

AMISOM oo Soomaaliya joogta tan iyo 2007, ayaa ku guuleysan wayday inay Al-Shabaab ka saarto goobaha ay joogto, iyadoo khatarta kooxda ay ku hayso amniga dalka iyo wadamada deriska ay soo xoogeysanayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM