Al-Shabaab oo weerartay saldhig ay leeyihiin ciidanka Soomaaliya

Image
Dhacdadan oo lasoo wariyay in ay ku bilaabatay qarax ayaa waxaa xigay iska-hor-imaad aad u xooggan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar toos ah oo ku bilowday qarax waxay ku ekeeyeen saldhig ay ciidamadda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Isku-hor-imaad xooggan ayaa lasoo wariyay in uu xigay. Dadka degaanka ayaa soo tabiyey in ay u badan tahay weerarka ka yimid dhowr jiho Illaa haatan lama ogga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida ayaa daabacdey in maleyshiyaadooda ay "cagta-mariyeen xerada ciidanka" Balse, si madax-banaan looma hubo.

Saraakiisha ciidamadda ayaa wali wax war ah waxa aysan kasoo saarin dhacdadan. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay saraakiisha ku sugan meesha ay wax ka dhaceen ayaa la helin isgaarsiinta oo go'an aawadeed.

Balse, warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tabisay in ciidanka iyo dadka degaanka ay "Khawaariijta ku jabiyeen weerarkan". Hase ahaatee, sooma bandhigin caddeymo.

Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxay kordhisay beegsiga gaadmada ah ee ay ku ekeyneyso fariisimaha iyo saldhigyada ciidamadda Soomaaliya halkaasoo khasaaro culus uu ka dhasho.

Bishan April 16-keeda, dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar toos ah iyo qarax gaari ku weeraray saldhiga ciidamadda huwanta ah ee degaanka Budbud ee gobolka Mudug wallow saraakiil xuseen in ay iska-caabiyeen.

Bishii hore Maarso 23-keeda, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhiga ciidamadda kumaandooska Gorgor iyo dadka degaanka ee degmada Ruun-nirgood. Kooxda hubeysay waxay shaacisay in ay laysay tobanaan askar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM