Al-Shabaab oo weerartey saldhigga ciidanka ATMIS ee Buulo Mareer

Image
Diyaarado ayaa la sheegay inay hawada magaalada sidoo kale lagu arkay kadib weerarka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay in Jimcaha maanta ah ay weerar xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee magaalada Buulo Mareer.

Weerarkan oo dhacay saacadihii hore ee Jimcaha maanta ah ayaa waxaa lagu waramayaa in uu ka dhashay iska-hori-imaad toos ah oo dhexmaray labadda dhinac.

Laba ilo wareed oo mid ka tirsan yahay laamaha amniga oo u waramay idaacadda VOA-da ayaa shaaca ka dhigay in qaraxyo xiriir ah ay Al-Shabaab ku weerareen saldhigga.

Xubin ka tirsan maamulka degaanka ayaa xaqiijiyey inay Al-Shabaab galeen saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer, iyada oo sidoo kale lagu arkay magaalada Buulo Mareer dhexdeeda.

Diyaarado ayaa la sheegay inay hawada magaalada sidoo kale lagu arkay kadib weerarka. Illaa haddana ma cadda khasaaraha weerarka. Balse, waxaa la xusay in labada daraf waxyeelo gaartey.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigga “cagta mariyeen,” sheegashadaas oo aan si madaxbannaan Loo xaqiijin karin xilligan isla markaana ma aysan soo bandhigin wax khasaaro ah.

Weerarada tooska ah ee Al-Shabaab ku qaado xerooyinka ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay ahaa kuwa sareeya lagana hortagin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM