Al-Shabaab oo xubno sirdoon dharcad ah "ku daabushay" magaalooyinka

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Talaabo ay ugu diyaar-garoobeyso in ay ku curyaamiso doorashooyinka, Al-Shabaab ayaa magaalooyinka ku daad-gureysay dagaalameyaal sirdoon oo dharcad ah, sidda uu daaha ka rogay taliye sare.

Taliyaha qeybta 60aad ee ciidamadda xoogga, Jeneraal Ciirow oo war-fidiyeenka kula hadlay caasimada ku meelgaarka Koonfur Galbeed Baydhabo ayaa ka dhawaajiyey in xogtaan ay ku saleysan tahay warbixino sirdoon.

Mr Ciirow ayaa dhawaqaas shaaca ka dhigay waxyar kadib markii uu kasoo baxay shir shalay qabsoomay oo amniga coddeynta diirada lagu saarey.

"Waxaan isla garanay in cadowga [Al-Shabaab] uu gobolada Baay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Jubooyinka ka wado dardar horleh, is-uruursi iyo u diyaargarowga sidii ay u carqaladeyn lahaayeen doorashadda la filayo in ay dhacdo," ayuu shirka jaraa'id ka shaaciyey taliyaha.

Sidda laga soo xigtay sarkaalkan, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa si lamid ah waxay maleegayaan beegsiga saldhigyadda ciidamadda.

"Sidaas darteed, waxaa isla gartay in laga hortago falalka guracan ee cadowga wadaan isla markaana la burburiyo meelaha ay isku uruursanayaan oo ah barro la garanayo," ayuu ku daray, isagoo u muuqdey mid rajo fiican leh.

Ciidamadda ammaanka degaanadda ay ka arimiyaan ayuu tibaaxay in la siiyey amar ku saabsan beegsiga maleeyshiyadda "dhagarta maleegeysa".

"[Sidoo kale waxay] magaalada u soo direen dad mukhaadaraad dharcad ah. Sidaas darteed, waxaan isla qaadanay in ciidamadda sirdoonka iyo booliska ay si gaar ah u bartilmaameedsadaan, waxaana rajeynaynaa in ay guuleysan dhagartooda," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay taliye Ciirow.

Maadaama doodihii siyaasiga ahaa laga gaarey heshiis wadda ogol ah, ammaanka ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ka haray madaxda Soomaalida kuwaasoo haatan u baahan in ay xeeriyaan kahor inta waqtigu dhamaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM