Al-Shabab oo duleedka Muqdisho ku weerartay dad kasoo laabtay aas

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacantay ka gedaal markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen Gaadiid ka timid Aas oo mareysay degaanka Tareedhiso ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku dareysa in labadda qof ee dhimatay ay yihiin Askar ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasi oo galbineysa Gaadiidka Aaska kasoo laabtay, kuwaasi oo waday meyd kamid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxyadii shalay.

Lama ogga hadii ay jirto dhaawac ka dhalatay rasaasta la hubiyay gawaaridaasi, inkasta oo Goojoogayaal ay ku waramayaa in dadkii la socday gaariga oo nooca xamuulka ahaa ay xaalad argagax ah ay galeen.

Qaraxyadii shalay oo lagu beegsaday Hoteelka Saxafi waxaa ku dhimatay in ka badan 50 ruux oo ubadan shacab, halka dhaawac lagu sheegay ku dhawaad 100, oo qaarkood xaaladooda ay liidato.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay mas'uuliyadda weerarkaasi, xili Shan kamid ah dagaalamayaasha xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida oo isku dayday inay gasho Hoteelka ay toogteen hay’addaha amniga iyo ilaalada.

Cabdifitaax Cabdirashadii Shire [Il-qeyte], oo ahaa Milkiilahihii hotel Saxafi kana mid ahaa dadkii ku geeryooday weerarka ayaa lagu aas-asay meel ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya, oo si wayn loo sugo amaankeeda.

Weerarkani ayaa toosha wuxuu ku ifiyay habac-sanaanta dhinaca amniga ee xukuumada Xasan Cali Khayre, inkasta oo lagu amaaney ciidamada amniga sida ay uga fal-celiyeen dableyda isku dayda inay gudaha ugu daato Hoteelka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM