Alhu Sunna oo "isku maandhaaftay" qorshaha xukuumadda ee Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hogaanka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu waramayaa in uu ku guuldareystay go’aan mideysan oo ay ka gaaran qorsheyaasha xukuumada federaalka ee ka socda Dhuusamareeb.

Arrimaha taagan ee ururkan uu qoonsadey ayaa ah shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo ciidamo ka socda federaalka kuwaasi oo loo daabulayo magaaladda caasimadda u ah dowlad goboleedkaasi.

Xogta laga helayo dad ku dhow dhinacyada ayaa waxay muujineysa in kulan ay xubnaha ay ka go’do talada ururkan ka yeeshan arrimahan uu kusoo dhamaadey natiijo la’aan iyo "u kala jabka laba garab".

Garabka taageersan qorshaha dedaaladda Villa Soomaaliya ayaa waxay soo jeediyeen in fursad la siiyo xukuumadda, balse garabka kale waa uu ku gacan-sayray arrintaasi.

Macluumaadka ayaa waxay daboolka ka qaadayan in mid kamid ah garabka lagu wado in uu saacadaha soo aadan war kasoo saaro xaaladaha ka jira Dhuusamareeb.

Ahlu Sunna oo ku biirtay dowlad goboleedka Galmudug heshiisna la gashay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku haysa inta badan gobolada dhexe, halkaasi oo ay Al-Shabaab dagaal uga saareen.

Jawiga Dhuusamareeb ayaa siyaasad ahaan kacsanaa bilooyinkii lasoo dhaafay xili uu dib u dhac ku yimid doorashadii madaxweynaha maamulkan, haatana uu laba jeer baaqday shirkii dib u heshiisiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM