Al-shabaab oo deegaano gobolka Bay ka tirsan isgaarsiinta ka jartey

Image

December 8, 2014 (GO)- Wararka laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya  in Ururka Al-shabaab xiray qaar kamid ah xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud. Deegaanada khadka telefoonka laga jaray waxaa kamid ah Ufurow iyo Diinsoor.

Lama oga sababta Al-shabaab go'aankan isaga ah u qaadatey haseyeeshee waxay kooxdu inta badan jartaa khadka isgaarsiinta xilliyada ay ka war hesho dhaq dhaqaaqyo ciidan oo dhankeeda kusoo wajahan ama ay doonayso inay iyadu dhaq dhaqaaq samayso.

Sanad kahor, Al-shabaab waxay internetka moobillada laga isticmaalo ka mamnuucay dhamaan deegaanada ay ka taliso, kadib markii ay soo wajahday cabsi dhanka basaaska ah, duqeymaha diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykuna kordheen.

Telefoonnada gacanta ee casriga ah ayaa marka khadka internetka lagu xiro waxay leeyihiin adeegyo badan oo GPSku (Global Positioning System) kamid yahay. GPS-ku (Habka Jiheynta ee Caalamiga ah) wuxuu awood u leeyahay inuu sheego meesha qofka isticmaalayaa joogo iyo weliba masaafada deegaanada kale  u jiraan.

Amarkan cusub ee Al-shabaab soo saartey wuxuu kusoo aadayaa todobaadyo kadib markii dowladda Putland ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hoggaamiyo amar ku siisey shirkadda Golis inay hawada ka saarto dhowr shabakadaha Soomaalida ee wararka laga daalacdo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM