Amar kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir oo la diidey

Image
Maamulka gobolka Banaadir ayaa joojinta banaanbaxa qiil uga dhiganaya in heshiis laga gaaray mad-madowgii ka jiray doorashada.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xubnaha ka baxay "Golaha Bulshada Banaadir" oo maalmihii la soo dhaafay waday qaban-qaabada banaanbax weyn oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo “isku-deygii afgambi ee 27-kii December ee fashilmay”  ayaa si adag uga jawaabay go’aankii uu maamulka gobolka Banaadir uga horyimid banaan baxaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish oo maanta shir guddoomiyay kulan ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo Saraakiisha laamaha amniga ee qeybta guud gobolka, ayaa banaanbaxa mucaaridka ku tilmaamay mid fowdo ah oo ka dhan ah amniga magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Cali Maxamed Maxamuud (Cali Joqonbe) oo qeyb ka ah xubnaha la baxay Golaha Bulshada Banaadir oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, kadib markii uu ku dooday in banaanbaxa uu yahay xaq dastuuri ah.

Waxa uu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono Sarkaalka ama Mas’uulka isku daya in uu awood ciidan isku hortaago banaanbaxa Khamiista, isaga oo sheegay in mas’uuliyada wax kasta oo dhaca ay dusha u ridan doonaan maamulka gobolka Banaadir.

"Waxaa maqalnay in maamulka gobolka Banaadir uu yiri lama banaanbixi karo, Golaha Bulshada Banaadir waa Gole lagu talo-galay in lagu difaaco codka” ayuu yiri isaga oo hadalkiisa ku daray “ xuquuqda iyo dhamaan adeegyada bulshada ku nool gobolka Banaadir. Qofka in uu si xor ah u hadlo oo si nabad ah ku banaanbaxo waa xaquuq aan u baahneyn fasax," ayuu yiri.

"Waxaa leeyahay cid kasta oo wax ku gaarta banaanbaxaas waxaa mas’uuliyadeeda qaadeysa maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka codsaneyna in bulshada soo baxdo oo aan muujino dareenkeeda si nabad-gelyo ah.”.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa joojinta banaanbaxa qiil uga dhiganaya in heshiis laga gaaray mad-madowgii ka jiray doorashada, ay dhankoodana ku qanceen mucaaridka, inkasta oo banaanbaxan uu yahay mid ka dhan ah Farmaajo iyo isku-deygiisa afgambi ee 27-kii December.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM