Amarro lagusoo rogay Muqdishu [ DHAGEYSO]

Image

MUQDISHU, Somalia- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa shaaciyay in laga billaabo Maalinta Berri ah Lixda Maqribnimo la xiri doono waddooyinka Muqdishu, Doorashada awgeed.

Mudane Madaale oo warbaahinta kula hadlay caasumadda Somalia,  ayaa ugu baaqay maamullada Goobaha waxbrashada inay fasaxaan Ardayda, maadaama ay ciidamadu xiri doonaan dhammaan waddooyinka magaalada, si amniga loo sugo.

"Maalinta Beri ah wixii ka dambeeyo 6-da Maqribnimo, waxaa la xadidi doonaa isku-socodka Gaadiidka iyo dadweynaha, Labada maalmood ee Talaadada iyo Arbacada soo socoto," Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Sidoo kale, Yuusuf Xuseen Jimcaale wuxuu ka codsaday shacabka ku nool caasumadda inay dulqaataan Labadaas maalmood, ee waddooyinku xiranyihiin.

Xirnaanshaha jidadka Muqdishu ayaa ah midda ugu wayn ee shacabku hadal-hayaan, maadaama ay saamayn ku yeelanayso Nolol maalmeedkooda sida; shaqada, caafimaadka iyo waxbarashada.

Doorashada Madaxweynaha ayaa la filayaa inay maalinta Arbacada ah (8-da Febuary, 2017) ka dhacdo xarunta Afisyoone ee degmada Waaberi, iyadoo laga soo wareejiyay xarunta Booliska General Kaahiye codsi ka yimid murashaxiinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM