Amiir ay Al-Shabaab ku bedeshay sarkaal la dilay oo isana la khaarijiyey

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Amiir ay Al-Shabaab ku bedeshay horjooge laga khaarijiyey ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan, sidda uu shaaciyey Taliska Ciidamada Soomaaliya.

Saalax Yacquub, abaanduulaha qeybta 27aad, ayaa warkaan saxaafadda ugu sheegay magaaladda Beledwayne, xarunta gobolkaas.

Hadalkaas ayuu ka dhawaajiyey xili uu ka warbixinayey dagaalka oo u dhaxeeyay Macawiisleyda iyo Maleeyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id isagoo aan soo bandhigin caddeymo, sarkaalka ma uusan shaacin magaca horjoogaha la dilay.

Dagaalada ayaa ka kala dhacay degaanada Ceel-cali iyo Biitaale, sidda ay Garowe Online u sheegeen dadka degaanka.

Isku dhaca Ceel-cali waxaa qaadey Macawiisleyda, halka iska hor-imaadka Biitaale lagu beegsaday ciidamo gurmad u ahaa Macawiisleyda.

Isagoo xaqiijiyey in dhankooda ay ka dhaawacmeen saddex askari, Yacquub ayaa tilmaamay in ay Al-Shabaab ka dileen tirro dagaalameyaal uusan cayimin isla markaana kasoo furteen saddex qori oo AK47 ah iyo Saban.

"Maadaama meesha lagu dagaalamay ay ahayd meel dhagax badan leh hubka lagu diririnayna uu ahaa mid culus, meydadkooda wuu go'go'ay sidaas ayaan u soo qaadi weynay, marka laga reebo midkood," ayuu yiri.

Dagaaladii u dambeeyay ee Macawiisleyda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Hiiraan ayaa waxaa la sheegay in ay salka ku hayeen "dhagax qaali ah" oo laga helay Ceel-cali, kaasoo Dowladda Soomaaliya ay la wareegtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM