Amiirka Al-Shabaab oo "eryay saraakiil dalbaday joojinta beegsiga rayidka"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa shaacisay in hoggaamiyaha Al-Shabaab uu xilka ka qaadey laba kamid ah saraakiisha sar-sare ee ururkaas.

NISA ayaa saraakiisha uu Axmed Diiriye eryay waxay ku kala sheegtay Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab.

Sababta jagooyinka looga xayuubiyey, sidda ku xusan qoraalka NISA, waa in ay dalbadeen joojinta beegsiga dadka shacabka ah.

Sidda ku cad bayaanka Hay'adda Mukhaabaraadka Soomaaliya, sidoo kale Mahad iyo Bashiir waxaa laga saarey Golaha Fulinta xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

"Axmed Diiriye, Horjoogaha Argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho," ayaa lagu soo qoray bogga Twitter-ka ee NISA.

Dhanka kale, maleeyshiyaadka Al-Shabaab wali kama jawaabin sheegashadda hay'adda sirdoonka Soomaaliya.

Bishii December, 2019, Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay qiratay shacab ku dhamaadey qarax is-miidaamin oo ay ka fulisay isgoyska Ex-kontarool Afgooye, kaasoo dilay ku dhowaad 100 rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM