Amiirka cusub ee Al-Qaacida oo kaalin ku lahaa "Black Hawk Down"

Image
Dhacdadan laga tabiyey Muqdisho 1993-dii ayaa Mareykanka looga riday diyaarad nooca qumaatiga u kacda.

WASHINGTON, USA - Seif al-Adel, oo ah hogaamiyaha cusub ee Al Qacida ayaa ku sugan waddanka Iran, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, waxaana Mareykanka uu xaqiijiyay dhawaqan Arbacadii.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Ned Price, ayaa la weydiiyay intii uu ku guda jiray shir jaraa’id ee maalinlaha ah sidda uu u arko warbixinta Qaramada Midoobay.

Waxa uu yiri: "Qiimeynteenu waxay la socotaa tan Qaramada Midoobay…siinta gabaad nabdoon oo al-Qaacida waa tusaale kale oo ka mid ah taageerada ballaaran ee Iran ay siiso argagixisada, dhaqdhaqaaqyadeeda qallafsan ee Bariga Dhexe iyo meelaha ka baxsan".

Mar weriyaha uu weydiiyay waxa uu Mareykanku diyaar u yahay inuu sameeyo haddii Adel uu joogo Iran, Price wuxuu sheegay in maamulka Biden ay ka go'an tahay inaysan ogolaanin khataraha.

Waa kuma "amiir" Seif al-Adel?

"Waxaan qaadnay tallaabo ka dhan ah Iran taageerada ay siiso kooxda argagixisada gobolka oo dhan," ayuu yiri oo raaciyay iyo in Washington ay si dhow ula xiriiri doonto xulafada Yurub si ay uga hortagto "dhammaan caqabadaha Iran".

Seif al-Adel ayaa hore uga tirsanaan jiray ciidamada gaarka ah ee Masar, isla markaana ah xubin sare oo ka tirsan ururka Al-Qaacida, madaxiisana waxaa dul saaray 10 milyan oo dollar oo Maraykanka ah.

Adel ayaa hadda ah hoggaamiyaha kooxda xagjirka ah ee aan "la tartamin", sidda lagu sheegay warbixin cusub oo ay Qaramada Midoobay oo ku saleysan macluumaadyo mukhaabaraad ah.

Mar uu ahaa madaxa ilaalada Usama Bin Laden, isla markaana ah tababare sare oo ka tirsan dagaalyahannada, ayay khubarada sheegeen "in Adel uu bilaabay shaqadiisa dheer ee dhiig daadinta 1981-kii".

Kaalintiisa "Black Hawk Down"

Xilligaas ayaa looga shakiyay inuu ku lug lahaa dilkii Madaxweynihii Masar, Anwar Al-Sadaat. Waqtigaas ayaa la aaminsan yahay in uu kamid ahaa askar dhoolatus kusoo bandhigtey magaaladda Qaahira.

Adel oo soo maray heerarka kala duwan ee horjoogeyaasha Al-Qaacida ayaa lagu waramay in uu xeryo tababaro ururka uga sameeyay Sudan, Pakistan iyo Afghanistan sagaashameeyadii.

Sirdoonka Mareykanka ayaa aaminsan in Adel uu door ku lahaa weerarkii gaadmada ahaa ee lagu soo riday diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Muqdisho, dhacdadii loo bixiyey "Black Hawk Down" ee sanadkii 1993-dii.

Sida ay sheegeen khubarada dhanka ammaanka, halkaas waxaa ku dhintey 18 askari oo Mareykan ah. Falkaas ayaa sababay bixitaanka ciidamadda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay. FBI-da ayaa Adel waxay ku dartey liiska madow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM