​Amina Maxamed oo lagu daray Lataliyaasha QM

Image

NAIROBI, Kenya- Waxaa markii ugu horaysay Lataliyaasha sare sare ee golaha loo dhanyahay ka dhex muuqatay qof dumar ah oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka Somaliya.

Madaxweynaha Golaha guud ee Qaramada Midoobey Miroslav Lajcák ayaa Haweenayda lagu magacaabo Aamino Maxamed oo ah wasiirka Arrimaah Dibadda Kenya kusoo daray liiska lataliyaasha Madaxa bannaan ee QM.

Miroslav Lajčák, ayaa magacaabay 15 lataliye oo ka shaqayn doono hormarka Golahaas.

Hadalka kooban Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Marwo Amina Maxamed, ka tiri magacaabisteeda waxay ku sheegtay inay ku faraxsantahay kamid noqoshada mas'uuliyiinta sare ee kala talineya Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha horumarinta, dhaqaalaha, cimillada iyo nabadda.

Amina waxay tilmaamtay in tallaabada ay guul u tahay mustaqbalka waddanka ay matasho ee Kenya.

"Magacaabistan sidoo kale waxay farxad u tahay dadkeena kuwaasoo dedaal an tixgalin siiyay ilaalinta danaheena khuseeya adeega guud," Ayay tiri Amina oo war-saxaafadeed soo saartay Talaadadii.

Iyadoo la hadlaysay saaxiibadeeda liiska kula jira, waxay ugu baaqday inay ka shaqeeyaan danaha guud iyadoo fartay in shakhsi kasta qaato doorkiisa ku aadan shaqada loo igmaday.

"Qof kasta oo inaga mid ah ha qaato doorkiisa muhiimka ah ee khuseeya mustaqbalkeena iyo kan carruurteena." Ayay hadalkeeda ku dartay Aamina

Jimcaha soo socda ayaa la filayaa inay isu yimaadaan xubnaha la magacaabay magaalada New York si ay u dajiyaan ajandayaasha Qaramada Midoobey ee Sanadka gaar ahaan Nabadda, hiigsiga horumarinta Caalamka iyo hirgelinta heshiiskii Cimilada ee Paris lagu saxiixay 2015,  dib u habeyn lagu sameynayo Qaramada Midoobey  iyo Arrimaha Sharafta Aadanaha.

Africa ayaa laba xubnood oo kaliya ku yeelatay liiskan, waxaana Aamina weheliya Carlos Lopes oo ka socda waddan Guinea Bissau's

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM