AMISOM oo ayiday warbixinta AU ee ay naqdidey Soomaaliya

Image
Koofiyad muujineysa astaanka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM [Photo: AMISOM]

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa taageeray warbixinta uu soo saarey guddiga madaxa-banaan ee qiimeynta AU-da taasoo ay si ballaaran uga carootay xukuumada Muqdisho.

Sida uu wariyey barnaamijka Galka Baarista ee laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, AMISOM ayaa soo dhaweysay qodob kamid ah soojeedinta ku jiray warbixinta ay Soomaaliya ku tilmaamtay "mid meel ka dhac ah".

Soojeedinta ayaa si gaar ah waxay u khuseysaa mustaqbalka AMISOM wixii ka dambeeya 2021-ka oo qorshaha amniga kala guurka uu xeerinayo in ay mas'uuliyadda ammaanka ku wareejiyaan dhigooda Soomaaliya.

Talooyinka ku jiray warbixintaas qiimeynta ah ayaa waxay kala yihiin;

- In howlgalka uu noqdo mid wadajir ah oo ay wada qaadaan Midowga Afrika iyo Qaramadda Midoobay

- In dib-u-habeyn iyo dib-u-howlgelin lagu sameeyo ciidamada Midowga Afrika ee xilligan jooga Soomaaliya

- In Soomaaliya la keeno ciidamadda wadamadda heeganka ah ee wadamadda bariga Afrika

- Iyo in gabi ahaanba ciidamadda AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya

"AMISOM waxay sheegtay in ay door-bideyso qodobka ugu horeeya ee ah in howlgalka uu noqdo mid ay wadajir u yeeshaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika," ayuu wariyey Galka Baarista oo la hadlay sarkaal sare.

Barnaamijka Galka Baarista oo la baahiyey Talaadadii shalay ahayd ayaa kashifay khilaaf culus oo ka dhex-taagan hogaanka ciidamadda Soomaaliya iyo AMISOM kaasoo saameeyay howlgal ka socday gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sooyaalka warbixinta Midowga Afrika

Dowlada Soomaaliya oo "si horudhac ah u diidey" warbixinta kuna sifeysay "mid ka hor-imaaneysa qaranimada iyo madax-banaanida qaranka" ayaa sheegtay in ay kasoo saareyso war-saxaafadeed ay ku sharaxeyso mowqifkeeda.

Warbixintan oo AU-da kasoo baxdey bishii May ayaa saluug badan looga muujiyey xaalada Soomaaliya gaar ahaan dhinacyadda ammaanka, siyaasadda iyo mudada xilheynta Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Intii talada uu hayey madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey, Soomaaliya ayaa "dhexda u gashay xaalad hubanti la'aan ah, qalalaase iyo heshiis la'aan" dhanka mar-xalada kala guurka ah.

Sida ku xusan warbixinta, jahwareerka siyaasadeed iyo heshiis la'aanta doorashadda ayaa dalka u horseeday iska-horimaad dhiig ku daatay oo ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo u dhaxeeyay ciidanka xoogga.

"Dhacdadaas waxay caddeyneysaa in ciidamadda Soomaaliya aysan u diyaar-saneyn in ay mas'uuliyadda ammaanka dalka kala wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM," ayay intaas raacisay warbixinta.

Diidmada Soomaaliya ee qormaddaas aadka u dheer oo wararku sheegayaan in ay tahay rabitaan ka yimid Villa Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa kulan maanta ka dhacay Madaxtooyadda oo diiradda lagu saarey qaddiyaddaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM