AMISOM oo ka hadashay Khilaafka DFS iyo Maamul Goboleedyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul gobooleeyadda qaar ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay mas'uul sare oo ka tirsan howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].

Khilaafka oo salka ku haya go’aanka ay xukuumada Muqdisho ka qaadatay xiisada dalalka Khaliijka, kaasoo ay sheegtay inay dhax-dhaxaad ka tahay sanadkii tagey, inkastoo maamulada qaar ay ku eedeeyeen inay dhinac xigsatay, oo u weecatay Qadar.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad ugu sheegay saxaafada in dowladda federaalka ay la safatay Qadar, sidaas darteeda ay iyagana taageersan yihiin Imaaraadka Carabta.

Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa difaacay dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in madaxda maamulada ay ku qaldan yihiin inay dhinac kala saftaan xiisada khaliijka. 

“Imaaraadka wuxuu tababaro siinayey ciidamadda Soomaaliya tan iyo 2014-tii, laakiin dowlada Soomaaliya waxay u jartay xiriirkii iskaashiga militeriga kadib murankaan, taasoo aan u wanaagsaneen dib u dhiska ciidamada qaranka,” ayuu yiri Simon.

“Hadda ciidamada Soomaaliya tababaraan Turkiga, Mareykanka iyo Ingiriiska, kuwaasoo soo saaray 800 askari, iyadoo loo baahan yahay 50,000 oo askar si ay AMISOM ugala wareegay mas'uuliyadda amniga dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Simon.

Hadalka Simon ayaa wuxuu ka dhigan yahay in AMISOM ay dowlada Soomaaliya la safatay marka ay timaado khilaafka kala dhaxeeya maamulada dalka, taasoo shaki ku buuri karta hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM