AMISOM oo la timid qorshe cusub oo kusii joogeyso Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo qorshuhu yahay in sanadka 2022-ka lagu wado inay isaga hayaamaan ciidamada AMISOM dalka Soomaaliya, ayaa waxaa soo ifbaxaya in dalalka xubinta ka ah howlgalkaan ay xusul duub ugelayaan sidii modo kororsi loogu sameyn lahaa.

Ra'iisul Wasaaraha dalka Uganda oo kamid ah dalalka ugu badan oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, ayaa waxaa uu kula kulmay dalkiisa Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee wadanka Shiinaha, kaasooa arrimo badan oo Soomaaliya quseeya uu kala hadlay.

Ruhakana Rugunda, Ra'iisul Wasaaraha Uganda ayaa waxaa uu weydiistay Gudoomiye Wang Yang inay ka taageerto dowladiisa sidii ay baaqi ugu sii ahaan lahaayeen Soomaaliya, maadaama dalka Shiinaha uu kamid yahay wadamada taageera xukuumada Muqdisho.

Sidoo kale, labadda masuul ayaa waxay ka wada hadleen colaadaha ka jira gobolka oo ay kamid tahay xaaladaha Suudaanta Koonfureed, Democratic Republic of Congo and Burundi iyo qaar kale oo badan, iyagoona isla gartay kawada shaqaynta sidii loo xalin lahaa.

"Maadaama aan kamid nahay dalalka ciidamada ku tabarucay howlgalka Nabad illaalinta Soomaaliya, waxaan ka dooneynaa in Shiinuhu nagu garab siiyo sidii Golaha Amaanka Qaramada Midoobay noogu sameyn lahaa Muddo kordhin," ayuu usheegay wariyaasha Rugunda.

Wadamada kale ee ciidaamda ku taageeray Howlgalka AMISOM ayaa waxay kala yihiin, Burundi, Ethiopia iyo Djibouti.

Dhawaan ayey ahayd markii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacay in ciidamada Soomaaliya iyo dowladooda loo ogolaado inay masuuliyadda amaanka dalkooda dib loogu noqodo, taasoo saraakiisha AMISOM walaac ay ka muujiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM