AMISOM oo shaacisay sababta aysan ugu kalsooneyn Ciidamada DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka midowga Afrika ee Nabad-illaalinta Soomaaliya [AMISOM], ayaa si cad wuxuu usheegay inaanu kalsooni buuxda ku qabin ciidamada Soomaalida ah ee la shaqeeya.

Wakiilka kormeeraha guud ee howlgalka wadanka Zambia uqaabilsan AMISOM ayaa shaacisay in kaliya ay wax xoogaa kalsooni ah ay siiyaan ciidamada Booliska ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo ay hal xero kawada howlgalkaan.

Haweenayda lagu magacaabo Cecilia Kabube ayaa tibaaxday in sababta ay tahay xaaladda amni ee ka jirta guud ahaan wadanka iyo dilal ay sheegtay in askarta Booliska mararka qaar ay ugeysteen dad aanan waxba galabsan.

“Xaaladda halkaan ay xun tahay..Qofna ma aamini kartid…Xitaa shaqsiyaadka qaarkood waa kuwa beenaalayaal, xili Boolisku ay dilayaan dad aanan waxba balansan,” ayay u sheegay Zambia Reports.

La dagaalanka xoogaga Al-Shabaab iyo nabad-illaalinta guud ee wadanka waa hadafka ugu way nee AMISOM wadanka loo keenay tobabanaan sano kahor, balse wali ma muuqato horumar ay dhinacaasi ka sameeyeen.

Kooxda cilaaqaadka la leh Al-Qaacida ayaa weerar jidgal ah iyo kuwa toos ah ku ekaysay Kolanyadda ciidamada AU-da iyo xeryaha ay ku leeyihiin gobolka dalka, halkaasi oo khasaaro kala duwan uu kasoo gaaro.

“Argagaxisadani waxay si lamid ah illaaliyaan baabuurteena sida kuweena..oo dalka loo yaqaano Mambas, marka way adag tahay inaan aaminto saraakiisha Boolisku, iyagana nama aaminaa, marka laga reebo kuwa aan kawada shaqaynay xeryo isku mimd ah,” ayay raacisay.

Ma jirto hadal jawaab u ah midka kasoo yeeray Cecilia Kabube oo hogaamisa howlgalka Zambia ee Soomaaliya, oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, inkasta isku dayo uu GO sameeyay ay noo suurageli waysay.

Dalka Zambia wuxuu howlgalka AMISOM ee Soomaaliya kaga qayb-qaataa ama uu ku leeyahay ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo suga amniga xeryaha ay ku leeyihiin dalka gaar ahaan Muqdisho iyo qaar kamid ah dhismayaasha dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM