AMISOM oo soo dhawaysay Is-dhiibidda Xubno katirsan Al shabaab

Image

MUQDISHU, Somalia - AMISOM ayaa soo dhaweysay Is-dhiibidda xubno katirsan Kooxda Al shabaab oo todobaadkan soo galayay gacanta ciidamada dowladda Somalia ee goboladda Baay iyo Gedo.

War qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inay ugu baaqayso dagaalyahanada Al Shabaab inay ku daydaan tallaabadii uu qaadey Xuseen Salaad Mukhtaar, oo isku dhiibay Ciidanka DFS.

Xuseen Salaad Mukhtaar wuxuu ahaa Sarkaal Al shabaab ugu qaabilsanaa sameynta qaraxyada, waxaana uu isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Baay, gaar ahaan magaalada Baydhobo.

Hogaanka AMISOM ayaa sheegay in wali fursad ay haystaan dhalinyarada la qalday ee ku jira Al Shabaab inay isaga soo baxaan Kooxda, kana qeyb-qaataan dedaallada lagu soo celinayo Nabada Somalia.

"AMISOM waxay ugu baaqaysaa Wiilasha iyo Gabdhaha la qalday ee kamidka ah Al shabaab inay ka faa'idaystaan cafiska dowladda, oo hubka ay dhigaan, kana qeyb-galaan dib u dhiska dalkooda," Ayaa lagu yiri Warka AMISOM.

Ciidamada u jooga dalka ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Africa, waxay intaas ku daree inuu dhammaaday waqtigii Al shabaab, balse badalkeeda la joogo xilligii la iska-kaashan lahaa dhismaha dalka, laguna taageeri lahaa dowladda cusub, xoojinta nabad-gelyada iyo xasiloonida waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM