AMISOM oo walaac ka muujisay war kasoo baxay Mareykanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa walaac ka muujiyay go'aanka Mareykanka ee ah inuu dhimayo Ciidamada ka jooga dalka, xilli Al-Shabaab ay kordhisay weerarada.

Taliyaha Ciidanka Uganda ee Soomaaliya, ahna taliyaha joogtada ah ee AMISOM, Paul Lokech, ayaa ka digay in Mareykanka uu Ciidamadiisa la baxo, isagoo xusay in dhabar-jab ku noqon doonto howlgalka hadii hal dhinac uu faarujiyo kaalintiisa.

Taliyaha ayaa tilmaamay in dhamaan dalalka hadda qeybta ka ah howlgalka ay yihiin kuwa door fir-fircoon ku leh dadaalabada nabadda soo celinta xasiloonida Soomaaliya, islamarkaana hadii mid kamid ah uu baxo aanan la helayn cid buuxisa.

"[Dal] walba oo howlgalka qeyb ka ah, wuxuu leeyahay door muhiim ah. Hadii [Dal] uu faarujiyo booskiisa, lama helayo cid buuxisa booskaas," ayuu Paul Lokech, usheegay Wargeys kasoo baxa Mareykanka.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] oo dalka yimid sanadkii 2007-dii, ayaa wajahaya dhaleeceyn xoog leh, oo ku saabsan inaysan gaarin yoolkii iyo hadafkii dalka loo keenay ee ahaa in Al-Shabaab dalka laga xureeyo.

Tirada Ciidamada AMISOM oo lagu sheegay 22,000 oo Askari ayaa waxaa la qorsheynayaa inay dalka ka baxaan 2020-ka, iyagoo mas'uuliyadda amaanka goobaha ay hadda gacanta ku hayaan ku wareejinaya Ciidamada Soomaaliya.

Deeq-bixiyaha ugu badan ee lacagta siiya AMISOM waa Midowga Yurub, oo hadda wada dib u eegis uu ku sameynayo taageerada uu siiyo howlgalka lamana saadaalin doono go'aanka ay qaadan doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM