AMISOM oo Wiilal wallaalo ah ku dishay gobolka Shabeella hoose

Image

BARAAWE, Somalia - Ciidamada AMISOM ayaa Labo Dhalinyaro Xoolo-dhaqato ah, oo ilmo abti ahaa waxay shaly gelinkii dambe ku dileen deegaan kuyaallo duleedka magaalada Baraawe, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Labada Wiil ee ay dileen AMISOM ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray C/raxmaan Xasan Burad oo 17 jir ah  iyo Cabdi Xasan Baryare oo isna 15 jir ah, sida mid kamid ah Elahada ay Warbaahinta u xaqiijiyeen. 

Sheekh Nuur Maxa'ed, oo adeerka u ah C/raxmaan Xasan Burad  iyo Cabdi Xasan Baryare ayaa sheegay in AMISOM ay ku dileen Labada Wiil Ceel-biyooda ku yaallo deegaanka Wareer-malle, xilli ay Geel ku waraabinayeen. 

Wuxuu sheegay Sheekh Nuur Maxa'ed in ciidamada AMISOM ay si arxan-darro ah u dileen Wiilasha kadibna ay Meydadkooda jarjareen, ay saareen kadib geed meesha ku yaalla. 

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale goobta ku dilay 70 Neef oo Geel ah, oo Wiilasha ay la socdeen, sida uu sheegay Sheekh Nuur Maxa'ed.

"Wax ay galabsadeen ma jirin C/raxmaan Xasan Burad iyo Cabdi Xasan Baryare, waxay ahaayeen Labo Wiil oo Xoolahooda ku waraabinaysay deegaanka Wareer-malle, waxaa u tagey oo dilay AMISOM," ayuu yiri Sheekh Nuur Maxa'ed. 

Ciidamada AMISOM ee dilka geestay ayaa la socday Kolonyada Gaadiid ah, oo ka tagey Muqdishu, kuna sii jeeday magaalada Baraawe, waxaana wararku ay sheegayaan in goobta ay Wiilasha ku dileen qarax lagula eegtay. 

AMISOM wali wax war ah kama aysan soo saarin Dilka Labada dhalinyarada ah, balse waxay dhacdadaasi ay daba socotaa dhacdo kale oo AMISOM ay 6 Ruux oo shacab ah ku dileen 17-kii Bishii December duleedka degmada Qoryooley.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM