Ammaanka doorashada Soomaaliya oo laga shiray

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ayaa lagu soo bandhigay fahfaahin guud oo ku saabsan qodobadda diiradda lagu saarey mudadii uu socday shirkan.

"Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardargelin lahaa howlaha horyaalla Guddiga Amniga, isla markaana ay u xaqiijn lahaayeen hannaanka amniga ee doorashada dalka iyo goobaha ay ka dhaceyso," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida laga soo xigtay bayaanka, ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa xasuusiyay xubnaha guddiga amniga masuuliyadda adag ee loo xil saaray in ay u gutaan si mas’uuliyadi ku dheehan tahay.

"Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa leh masuuliyadda hoggaaminta hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan kor joogteynta iyo la xisaabtanka guddiyada kala duwan ee ka shaqaynaya doorashada," ayay xuseen.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa "Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey shaqooyinka ay qabanayaan ee ay ka mid tahay in goobaha ay ka dhaceyso doorashada la geeyo ciidammo Booliis ah oo isugu jira heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo Booliiska AMISOM".

Ammaanka ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala doorashooyinka Soomaaliya iyadda oo maleyshiyada Al-Shabaab ay tahay darafka laga qabo cabsida ugu badan maadaama ay horey wacad ugu mareen in ay ka shaqeynayaan carqaladeynta coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM