Amniga imtixaanka shahaadiga Soomaaliya oo laga shiray

Image
Kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay sida ugu habboon ee lagu xaqiijinayo amniga goobaha imtixaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa shir guddoomiyey kulan looga wadatashanayey u diyaar-garowga imtixaanka Dugsiyada Sare oo dhawaan laga qaban doono dalka.

Kulanka ayaa waxaa lagu falanqeeyay sida ugu habboon ee lagu xaqiijinayo amniga goobaha imtixaanka, isla markaana lagu kormeerayo habsami u socodka hawlaha kala duwan ee imtixaanka oo lagu qabanayo 136 goobood, iyada oo ay sanadkan gelayaan in ka badan 37,000 oo arday.

Labada Wasiir, ayaa kula dardaarmay saraakiisha Booliiska iyo kormeerayaasha waxbarshada in ay si hufan u gutaan mas'uuliyadda iyo waajibkooda shaqo, isla markaana hubiyaan in aysan dhicin àmni-darro, wax isdabamarin, qish iyo maamul-xumo, iyagoo u rajeeyay ardayda imtixaanka geleysa Guul iyo horumar.

Kulanka waxaa Wasiirrada ku weheliyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuurto Mustaf Mukhtaar, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/G Sulub Axmed Firin, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Waxbarashada, ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga, kormeerayaasha imtixaanka iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM