Amniga Muqdisho oo laga shiray xilli ay jiraan digniino xoogan

Image
Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxda laamaha ammaanka Dowladda federaalka Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya -Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo kusimaha Taliyaha hey’adda NISA Mudane Muhiyadiin Warbac ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho..

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo saraakiisha u xilsaaran amniga magaalada Muqdisho ayaa warbixin la xariirta dhinaca Amniga waxaa looga dhageystay Hey’addaha kala duwan ee Amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalka ku dhacay Amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ku amaanay Saraakiisha laamaha Amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku nool yihiin shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM