Antonio Guterres oo cambareeyay madaafiicdii lagu weeraray Xalane

Image

WASHINGTON, US – Xoghayaha Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa cambaareeyay weerarkii madaafiicda ee Al-Shabaab ku ekeysay dhismaha UN-ka iyo ciidanka AMISOM ee Muqdisho.

Dhismahan ayaa ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana sidoo kale degan safaarado.

Inta la xaqiijiyey lix kamid ahaa howlwadeenada Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhaawacmeen falkan oo yimid xili mushkilado amni ay jiraan.

Guterres ayaa soo kabasho degdeg ah wuxuu u rajeeyay bukaanadda, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa oo uu warbaahinta u mariyey Stephane Dujarric, afhayeenkiisa.

"Waan sii wadaynaa taageeradda aan ku bixineyno soo kabashadda dowladnimada, horumarinta iyo nabadda Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab madaafiic ku weerartay xeradan. Laba shaqaale iyo qandaraasle ayaa ku dhaawacmay, kuwaasoo shisheeye ah.

Madaafiicda oo kamid ah xeelaha dagaal ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa waxay mararka qaarkood ku beegsataa xarumaha dowladda oo ay ku jirto Madaxtooyadda Qaranka ee caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM