Antonio Guterres oo ka hadlay ismiidaamintii Gaalkacyo

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ee Al-Shabaab ka fulisay Gaalkacyo Jimcadii todobaadkii lasoo dhaafay.

Stephane Dujarric, afhayeen u hadlay Guterres, ayaa sheegay in uu tacsi u dirayo ehelka iyo asxaabta marxuumiinta falkaas, isaga oo soo kabasho deg-deg ah u rajeeyay dadka kale ee ku dhaawacmay.

Sidda laga soo xigtay afhayeenka, Antonio Guterres ayaa wuxuu rajeynayaa in ay cadaaladda wajihi doonan kuwii geystay falkaas.

"Xoghayaha guud wuxuu u xaqiijiyey Dowladda Soomaaliya in Qaramada Midoobay ku garab-taagan tahay la dagaalanka argagixisada, xagjiriinta mayalka adag iyo dambiileyaasha kasoo horjeeda in dalka la xasiliyo, la nabadeeyo, hoddana uu noqdo," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Inta la xaqiijiyey 15 ruux ay ku jiraan taliyeyaal ciidan, mas'uul hore, askar iyo shacab ayaa ku naf-weyday is-qarxintaas uu naftii-haligaha ku beegsaday banaanka garoonka kubada cagta Cabdullaahi Ciise.

Weerarkaas ayaa dhacay daqiiqado kahor inta Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uusan soo caga-dhigan qalcadda halkaasoo lagu wadday in uu kula hadlo dadweynaha koonfurta xarunta gobolka Mudug.

Isaga oo Sabtidii ka hadlayey duugta marxuumiinta, Rooble ayaa ku nuux-nuuxsaday in dowladda u aar-gudi doonto saraakiisha la leelay. Balse masoo hadal-qaadin waxay uga qorsheysan qoysaskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM