Antonio Guterres oo cambaareeyay riditaankii Xasan Cali Khayre

Image

WASHINGTON, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, wuxuu si adag u cambaareeyay riditaanka Xasan Cali Khayre. Golaha Shacabka ayaa qaab muran dhaliyey ku eryay 25-ka bishii July, sanadkan 2020.

Qoraalkii uu u gudbiyey Golaha Ammaanka UN-ka kahor kulankii ay todobaadkii hore ka yeesheen arrimaha Soomaaliya ayuu Guterres ku caddeeyay in kalsooni kala noqoshadaas ay ka dhalan karto natiijo aan fiicneyn.

Si gaar ah arrimaha dhaqaalaha iyo geedi u socodka deyn cafinta ayuu ku nuux-nuux saday in ay dharbaaxo ku tahay ceyrinta Khayre.

"Waxaan ka walaacsanahay in riditaanka lama filaanka ahayd ee Mr Xasan Cali Khayre ay carqalad ku noqon karto fulinta heshiisyaddii lagu gaaray Dhuusamareeb, si lamid ah howlgalada amniga ee socda iyo siyaasada, nabad-gelyada iyo dhaqaalaha oo ra'iisul wasaaraha uu hogaaminayey," ayuu ku yiri dukumiintigaas oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Khayre oo sharci darro ku tilmaamay habkii loo maray riditaankiisa ayaa saacado kadib marii xilka laga qaadey ka dhawaajiyey in uu is-casilay.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu lahaa abaabulka jago ka xayuubinta Khayre, wallow uu iska fogeeyey, ayaa durba ku xigeenka Mahad Maxamed Guuleed u xushay ra'iisul wasaare ku meelgaar ah.

Sidda ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay, Farmaajo ayaa raba in ra'iisul wasaarihiisa xiga uu noqdo midkood diblumaasi ama in uu ku goobo dowlad midnimo qaran ah, taasoo dhabaha u xaareysa muddo kororsi.

Dastuurka ku meelgaarka ah ayaa xeerinaya in ra'iisul wasaaraha lagu soo magacaabo muddo 30-cisho ah, taasoo dhamaad ku dhow hadda.

Ra'iisul wasaaraha cusub ee lasoo magacaabi doona ayaa wajihi doono shaqo badan oo ay ugu horeyso in waddanka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay isla markaana ku qabsoono waqtigeeda oo ah bisha Febraayo, 2021.

Muddo xileedka baarlamaanka wuxuu dhamaanayaa November, 2020, taasoo la macno ah in waqti badan uusan harin, loona baahan dardargelin.

Doorashooyinkii hore ee Soomaaliya ayaa ku dhacay habka dadban oo ku saleysan qabiilka. Hase ahaatee, shirkii Dhuusamareeb 3 wuxuu soo tufay heshiis aan loo dhameyn oo ka dhigaya degaan doorasho, mana cada sida loo fulinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM