Aqalka Sare oo ansixiyey Xeerka Dalka looga mamnuucayo DP World

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay sharcigii dhawaan uu ansixiyay Gollaha Shacabka ee dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka.

Xeerkanka oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu ka doodayay Aqalka Sare, islamarkaana ay Xildhibaanada ka dhex-dhaliyay dood kulul ayaa ugu dambeyntii maanta cod loo qaaday kadibna la ansixiyay. Halkan ka akhri.

28 Senator ayaa u codeeyay ansixinta xeerkan loogu magac-daray dhowrinadda midnimada iyo Gobonimada Soomaaliya, 6 Senator ayaa diiday, halka 2 ay ka aamuseen, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Kulanka waxaa soo xaadiray 36 Senator.

Xubnaha Aqalka Sare oo wakiillo ka ah dowlad goboleedyada dalka, ayaa qaar kamid ah muujiyay inaysan ku qanacsanayn anisixinta Xeerkankan dalka looga saarayo DP World, oo Heshiis dhanka Dekeda Berbera lagu jirta Somaliland.

Xeerkan ayaa sugaya inuu saxiixo Madaxweyne Farmaajo si uu sharci ku noqdo, waxaana ansixintiisa lagu soo beegay xilli dhawaan la la filayo in Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ay booqasho ku tagaan dalka Qadar, oo colaad kala dhaxaysa Imaaraadka.

Dhanka kale, Gudoomiyaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem ayaa maanta sheegay in aysan joojin doonin mashruuca Berbera, islamarkaana go'aanka dowladda Federaalka uusan waxba ka bedelaynin Heshiiska ay la galeen Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM