Aqalka Sare oo baaq kasoo saarey wadahadalka Dhuusamareeb 3

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Sarre ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga wadashaqeeyo sidii uu ku qabsoomi lahaa Shirka Dhuusamareeb 3, kaasoo loo muddeeyay 15-ka bishaan August, 2020.

Hogaamiyeyaasha dowladda federaalka ah iyo maamuladda ayuu ku booriyey in ay ku dedaalaan sidii shirka u noqon lahaa mid miradhal ah kana soo baxaan go'aano dhaxal-gal ah.

Hadalka Senate-ka ayaa kusoo hagaagaya xilli uu kulanka dib uga dhacay maalintii qorshuhu ahaa in uu bilowdo, wallow wafuuda ay bilaabeen in ay ka degaan caasimadda maamulka Galmudug.

Baaq Golahan ayaa kasoo baxay kulan ay Sabtida maanta ah Muqdisho ku yeesheen xubnaha guddiga joogtada ah ee Aqalka, kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen guddonka oo uu ku jiro afhayeenka.

Villa Soomaaliya oo raadineysa doorasho qof iyo cod ah, arrintaas oo maamulada naqdiyeen kuna sifeeyeen muddo kororsi, ayaa lagu eedeeyay in ay dafirtay doorka dastuuriga ah ee Senate-ka.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta la hadlay Aqalka Hoose ayaa muujiyey in uusan ka tanaasulin riyadiisa qof iyo cod, isagoo xusay in natiijada shirka Dhuusamareeb kusoo celinayo Golaha Shacabka.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka falceliyey hadal-jeedinta madaxweynaha oo ku qeexay "sasabasho" ayaa tibaaxay in khudbadiisa ay caddeysay in maxsuulka shirka uu noqon doono mid aanan macno lahayn.

Hoos ka akhriso bayaanka golaha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM