Aqalka Sare oo Guddi u magacaabey xalinta Khilaafka Mooshinka Farmaajo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabey Guddi loo xil-saarey xal u helidda Khilaafka ka taagan Gollaha Shacabka ee ka dhashay Mooshinka xilka qaadista ee laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Xoghayaha Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac ayaa ku dhawaaqay magacyada Guddi xal raadinta oo ka kooban todobo xubnood oo kala ah:

1 - Senator Cabdirisaaqa Cismaan Xasan Jurille [Gudoomiye]

2 - Cabdi-Kaafi Macalin Xasan [Xubin]

3 - Cabdi Axmed Dhuxulow [Xubin]

4 - Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex [Xubin]

5 - Cabdullaahi Cabdi Garuun [Xubin]

6 - Yuusuf Geelle Ugaas [Xubin]

7 - Cabdirisaaq Axmed Cali [Xubin].

Guddigan ayaa dhex-dhexaadin doona Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee ku kala qeybsamey Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo, kaasoo abuuray khilaaf u dhaxeeya Gudoonka Aqalka Hoose iyo Madaxda sare ee dalka.

Mooshinkan oo ay saxiixeen sida la sheegay 92 Xildhibaan ayaa waxaa gacanta ku haya Maxamed Mursal, oo hadda kasoo guurey Villa Somalia, islamarkaana degay Hotel ku yaalla nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii gurigiisa lagu go'doomiyay.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ay wehliyaan xubno kale ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, iyadoo booqashadiisa oo aan wali la shaacin waxay salka ku hayso ay qaadan doonto mudo maalmo ah.

Aqalka Sare ayaa wado dhex-dhexaadin kale oo uu xal ugu raadinayo khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, waxuuna guddiga u xilsaaran waan-waanta dhawaan soo saarey warbixin uu ku sheegay in intiisa badan khilaafka la dhameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM