Aqalka Sare oo naqdiyey qoraal kasoo baxay gudoonka Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoonka Aqalka Sarre ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay talaabo afhayeenka Golaha Shacabka uu qaraar ugu bedelay xeerka metelaada gobolka Banaadir.

Senate-ka oo difaacay kaalintiisa meelmarinta xeerarka waddanka ayaa "xadgudub" ku sifeeyay qoraalka guddoonka Aqalka Hoose oo loo diray wasaaradda dastuurka federaalka iyo guddiga dib u eegista dastuurka.

Dhanka kale, guddoonka Aqalka Sarre ayaa waxba kama jiraan qeexay afarta xeer doorasho ee Aqalka Hoose meelmariyey "haddii aan la waafajinin habraaca xeer dejinta dalka" oo ah labada Aqal ay ansixiyaan.

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayay ugu baaqeen in aysan isticmaali karin xeerarkaas "inta laga saxaayo".

"Sharciyadda metelaada gobolka Banaadir waxay u baahan tahay in loo dhameystiro habraaca dastuuriga ah, sidda ku xusan qodobka 9aad ee Dastuurka KMG iyo 12aad (6) ee sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalka Aqalka Sarre.

Dastuurka qabyadda ah ayaa xeerinaya in ay muhiim tahay in la helo maqaamka caasimadda Muqdisho kahor metelaada gobolka Banaadir.

Sidda ay sheegeen siyaasiyiin, guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ayaa hortaagan mooshin ay saxiixeen tobanaan Xildhibaano ah laguna dalbanayo in laga doodo maqaamka magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM