Aqalka Sare oo su'aallo ka waydiinaya Goodax Barre hanjabadii Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa shir ku leh magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankaasi oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa hortagaya Wasiirka Waxbarashada xukuumada federaalka ah, Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, Mr Goodax Barre ayaa wax lag waydiinayaan hadaladii ugu hanjabay dowladda Puntland.

Wasiir Goodax Barre ayaa wuxuu ku eedeeyay Puntland "in ay diiday" ka qaybgalka sanadkaan ee Imtixaanka mideysan ee wadanka.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayuu ugu goodiyay Puntland in ardayda halkaasi ku gashay Imtixaanka aysan heli doonin Shahaadooyinka.

Wasaarada Tacliinta Puntland oo ka fal-celisay cagajuglaynta Goodax Barre ayaa ku tilmaamay "mid sii kala fogeynaysa Umadda Soomaaliya."

Hay’addaha kala duwan ee dowladda dhexe ayay ka codsatay in ay soo farageliyaan arrinnkaan, isla markaana xal waara laga gaaro.

Kulanka su'aallaha lagu waydiinayo Goodax Barre ayaa kusoo aadaya iyadda oo Aqalka Sare uu horey u difaacay mowqifka Puntland.

Abshir Maxamed Axmed, ku xigeenka koowaad ee afhayeenka Aqalka Sare, ayaa shaaciyay in dastuurka qabyada ah uu u ogolaanayo maamulada in ay si madax banaan u maamushaan arrimaha waxbarashadda.

Dooda u dhaxeysa Puntland iyo Wasaarada Waxbarashada Federaalka ah ayaa imaaneysa xili lagu wado in Imtixaanka Shahaadiga ay ka bilowdaan guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM