Aqalka sare oo u yeeray wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankoodii todobaad [7] kal-fadhigiisa afaraad [4], maanta oo Isniin ah ku yeeshay Muqdisho ayaa waxaa shir gudoomiyay Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajandaha kulanka wuxuu ahaa ka doodista iyo akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, kaasi oo ay soo diyaarisay wasaarada cadaaladda.

Fadhiga oo ay soo xaadireen inta badan ayaa waxaa ay soo bandhigeen mudanayasha aragtidooda ku saabsan sharcigaan, kaasi oo laf-dhabar u ah olalaha socda ee la dagaalanka lun-sashada hantida dadwaynaha.

Sharcigaan waxaa horey usoo meel-mariyay Xilldhibaanadda Gollaha Shacabka, kuwaasi oo wax ka bedal kusoo sameeyay, islamarkaana usoo gudbiyay Aqalka Sare, si uu waajibaadkiisa uga guto.

Senatarada kulanka ka hadashay waxay carabka ku dhufteen muhiimada ay leedahay in masuuliyiinta wasaaradda cadaalada ay hor-yimaadaan Gollaha si ay goobjoog uga noqdaan, islamarkaana su’aalo looga waydiiyo meelaha bidhaaminta ubaahan.

Gabagabadii, gudoonka Aqalka Sare, ayaa go’aan ku gaarey in masuuliyiinta ugu sareysay wasaarada cadaaladda oo uu madaxda uu uyahay Xasan Xuseen Xaaji loo baahan yahay inay hor-yimaadaan Gollaha fadhiga soo aadan.

Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo go’aanka ku dhawaaqay ayaa mudada uu qabsoomaya kulanka xiga ku sheegay Sabtida soo socota, isaga oo ka dalbaday madaxda wasaarada cadaalada inay waqtiga ilaaliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM