Aqalka Sare oo u yeeray Wasirro kadib Weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray maanta Wasiiradda Amniga, Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Taliyaha ciidamada Xoogga dalka.

Aqalka Sare ayaa su'aalo ka waydiin doona Wasiiradda iyo Jeneraal Gorod weerarkii shalay ciidamada dowladda ku qaadeen Guriga Cabdi Qeybiid maalintii shalay.

Wasiirka Difaaca Musal Maxamed Sheekh, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Cadaaladda Abukaate Xasan Xuseen iyo Taliyaha ciidamada xoogga Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa la filayaa in kulanka soo socda ay hortagaan Aqalka Sare.

Waxay sharaxaad ka bixin doonaan qaabka uu u dhacay weerarka, cida amarka bixisay iyo kuwa fuliyay guutada ay katirsan yihiin, iyadoo shalay la xiray 40 Askari iyo labo Sarkaal.

Ajandaha Kulanka Aqalka Sare oo ahaa ka doodista Miisaaniyadda 2018-ka, ayaa lagu soo daray arinta weerarka Hoygka Cabdi Qeybdiid, kadib markii Senetaro ay soo jeediyeen.

Kulanka waxaa soo xaadiray 29 Mudane, kuwaasi oo dhageystay marka hore codsi uga yimid Madaxweyne Farmaajo oo ku aadan in uu isaga saxiixo Miisaaniyadda cusub.

Cod ayaa la geliyay codsiga Farmaajo, waxaana taageertay 26 Senetar, halka 3 ay ka amuusty, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhawaaqay Gudoonka Aqalka Sare dhamaadka Kulanka.

Gabagabadii, Aqalka Sare ayaa u ogolaaday Madaxweyne Farmaajo inuu ansixiyo Miisaaniyadda cusub ee 2018-ka, maadaama aan loo haynin waqtiga looga doodo, maadaama maalinta berri ah uu billaabanayo sanadka cusub.

Madaxweynaha ayaa doonaya in Miisaaniyadda mar hadii ay Gollaha Shacabka kasoo gudubtay inta dhiman isaga loo daayo oo aysan Aqalka Sare gelin wax dood ah, iyadoo saxiixiisa ugu dambeynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM