Aqalka Sare oo xiriirka u jaray Gollaha Shacabka, baaqna u diray Farmajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba hakiyay xiriirkii wadashaneyd ee kala dhaxeeyay Gollaha Shacabka, oo ay eedaymo culus u jeediyeen.

Sida ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga joogada ah ee Senate-ka, go’aankaan ayaa la gaarey kadib markii la tixgelin waayay waajibaadka shaqo ee Aqalka Sare, oo la hareey mariyay Miisaaniyadaha dowlada labo sano oo xiriir ah – 2018 iyo 2019.

Guddoonka Aqalka Hoose ayaa lagu eedeeyay inay isku kali yeeley ka qaybgalka shirarka caalamiga ah ee dibada iyo ansixinta xeerarka khuseeya arrimaha dibadda, sidda ku cad bayaanka uu Gollahu soo saarey.

Aqalka Sare ayaa si cad daboolka uga qaaday inay diyaar u yahay xal laga gaaro ashtakadooda, waxayna ugu baaqeen Madaxwayne Farmaajo inuu soo faragelinayo arrintaasi si loogu kala dab-qaado.

Aqalka Sare oo metalaya Dowlad goboleedyada,  islamarkaana ilaaliyaa danahooda dowladd dhexe ayaa khilaafka kala dhaxeeya Gollaha Shacabka wuxuu yahay mid mudo soo jiitamayay oo salka ku haya arrimo dastuuri ah iyo kala duwanaansho dhinac shaqada.

Arrimaha Xiriirka dibadda ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha uu Aqalka Sare tabashada ka muujiyanyo kadib markii Gollaha Shacabka isku soo koobey metalaalidda baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo labo golle ka kooban.

Gollahan oo ka kooban 54 xubnood ayaa doonaya in dhiniciisa ka qabto shaqooyinka uu hayo Aqalka Hoose, islamarkaana xubno ku yeesho baarlamaanka Africa, Midowga baarlamaanada Carabta, midowga baarlamaanka Islaamka, baarlamanka IGAD iyo midowga baarlamaanka adduunka.

Khilaafkan ayaa soo ifbaxay markii maalmo kahor Gollaha Aqalka Sare la baal-mariyay Miisaaniyadda 2019-ka, taasoo markii uu soo ansixiyay Gollaha Shacabka si toos ah loogu gudbiyay Farmaajo, kadibna saxiixay.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM