Aqalka Sare oo dalbaday in la baaro "been abuur" la sameeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa codsaday in baaris deg-deg ah lagu sameeyo "been abuurista lagu sameeyay habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka".

Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Khamiista maanta ah soo saarey qoraal ku socda madaxweynaha, gudoonka Golaha Shacabka, kusimaha ra'iisul wasaaraha, xeer-ilaaliyaha iyo hantidhowraha iyo Garyaqaanka qaranka.

Isagoo sheegay in ay dhinac marsan tahay habraaca xeer-dejinta, golaha Shacabka ayuu ku eedeeyay "in ay been abuur cad ku sameeyeen 27 qodob oo kamid ah xeerkaas" isla markaana ay u gudbiyeen mdaxweynaha.

"Xeerkaas lama dhaqan-gelinayo inta laga sarayo habraaciisa dastuuriga ah sidda waafaqsan qodobka 85aad iyo qodobka 90aad farqadiisa [f] ee dastuurka ku meelgaarka ah," ayuu soo qoray Senator Cabdi Xaashi.

Wuxuu raaciyey: "Mudane madaxweyne, adiguna waxaad saxiixdey xeer ay kuugu sheegeen in uu ku jiro wax ka bedelka uu Aqalka Sarre ku sameeyay Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka, taasoo looga gol-lahaa in lagu qariyo been abuurka kor ku xusan".

Bayaanka oo ogeysiis lagu siiyey madaxweyneyaasha dowlad goboleedyadda shanta ah ee waddanka jira ayaa Farmaajo ku booriyey in uu ogolaado sixitaan lagu sameeyo xeerka.

Hay'addaha ay khuseyso ayuu ugu baaqay in ay baaritaan ku sameeyaan qaabka uu u dhacay been abuurkaas "xadgudubka u ah hanaanka dowladnimo, sareynta dastuurka iyo shuruucda dalka".

Labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayay liidataa wadashaqeyntooda, iyaddoo Golaha Shacabka lagu eedeeyo in uu isku koobo meelmarinta xeerarka waddanka, taasoo baalmarsan habraaca xeerdejinta.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM