Aqalka Sarre ee Soomaliya oo guddi u saarey sharci muran dhaliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa guddi u saarey sharciga muranka dhaliyey ee doorashooyinka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Sanate-ka, oo war qoraal ah soo saarey, ayaa magacaabay Guddiga oo ka kooban todoba kamid ah xubnaha Golaha.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili 28-kii December, 2019, golaha shacabka meelmariyey xeerkan oo qodoba ku jira ay ka hor-yimaadeen siyaasiyiinta iyo xisbiyadda.

Madasha Xisbiyadda ayaa diidey qodobka 53aad, oo xeerinaya in dowladda hadda joogto sameysan karto muddo ku darsi hadii ay yimaadaan daruufo carqalad keenaya.

Xisbiyadda Wadajir ee uu hogaamiyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xoojiyey diidmadan ayaa ka digay muddo kororsi loo sameeyo xukuumada.

Aqalka Sarre ayaa ah meesha ugu dambeysa ee go'aan ka gaareysa sharcigan oo sidoo kale ay ka hor-yimaadeen qaar kamid ah dowlad goboleedyadda.

Doorashooyinka 2020-21 ayaa kamid ah qodoba masiiriga ah ee aan wali heshiis laga gaarin nidaamka loo marayo, waxaana dowladda lagu dhaliilay in ay isku koobtay.

Hoos ka akhriso magacyadda guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM